Khubaro ku takhasusay dhiig-karka oo isugu tagay magaalada San Francisco
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Khubaro ku takhasusay dhiig-karka oo isugu tagay magaalada San Francisco

Cilmi-baarayaal, dhakhaatiir iyo khubaro ku takhasusayy daweynta cudurka dhiig-karka iyo khatarihiisa ayaa waxa ay isugu tageen magaalada San Francisco ee waddanka Mareykanka si ay uga wadahadlaan sida lagu xakameyn karo cudurkaasi.

Cudurkan ayaa la sheegaa inuu ka dhasho cadaadiska dhiigga oo aad sare ugu kaca iyadoo mararka qaarna uu keeno maskaxda oo dhiig badan uu ku furmo amaba uu ka xirmaba iyo weliba khataraha wadna xanuunka, wadnaha oo istaaga iyo cudurrada kalyaha, taasna waxa ay keentaa dhimasho badan.

Haddaba khubarada caafimaad ee San Francisco kulanka ku leh waxaa ka mid ah Dr Axmed Dalmar, oo ah dhakhtar iyo cilmi-baare sare oo Soomaaliyeed una warramay weriyaha BBC-da ee Mareykanka, Maxamed Xaaji Xusen (Shiine).