Hogaamiyaha mucaaradka Zimbabwe oo cisbitaal la dhigay

Morgan Tsvangirai Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Morgan Tsvangirai

Hogaamiyaha mucaaradka ugu weyn dalka Zimbabwe, Morgan Tsvangirai, ayaa la dhigay cisbitaal ku yaal dalka Koonfur Afrika, kadib markii uu xanuunsaday.

Xisbiga uu hogaamiyo ayaa beeniyay in xaaladiisu liidato.

Tsvangirai ayaa sanadkii hore sheegay in laga helay cudurka kansarka, balse isbahaysi ka kooban dhowr xisbi ayaa u doortay inuu musharrax u noqdo doorashada dalkaasi ka dhacaysa 2018.

Haseyeeshee qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa su'aal geliyay in Morgan Tsvangirai uu awoodo hogaaminta mucaaradka.

Wargeyska The Newsday ayaa qoray in hogaamiyahan mucaaradka ah loo duuliyay cisbitaal ku yaal Johannesburg ka dib markii uu matag lasoo booday, naqaskana uu ku xirmay.

Caafimaad xumida hadda haysa ayaa la sheegay inuu ka qaaday ka dib markii uu saacado badan hayay shaqo adag.

Madaxweynaha mudada dheer xukumayay Zimbabwe, Robert Mugabe, ayaa u sharraxan doorashada dhacaysa 2018.