Arday badan oo ka dhacday imtixaanaadka Somaliland
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Arday badan oo ka dhacday imtixaanaadka Somaliland

Xafiiska sare ee imtixaanaadka Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbaannida ee Somaliland ayaa maanta rasmi ahaan u shaaciyay natiijada ardaydii u fadhiisatay imtaxaanaadka shahaadiga ah ee fasalka afraad ee gugsiyada sare iyo fasalka siddeedaad ee dugsiyada dhexe.

Markii ugu horreysay dhawr iyo labaatankii sano ee uu xafiiskani imtixaanaadka qaadaayay ayaa waxaa dhacay ardadii ugu badnayd , kadib markii sanadkan aad loo adkeeyay qishka iyo in telefoon ardaygu la soo galo goobta imtixaanka oo la mamnuucay.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa ka wareystay natiijada imtixaanaadkaasi gudoomiyaha xafiiska sare ee imtixaanaadka ee wasaaradda waxbarasha Somaliland Daa'uud Axmed Faarax.