Ardaydii ugu badnayd oo Jaamacadda Hargaysa ka qalin jabisay

Ardayda qalin jabisay
Image caption Ardayda qalin jabisay

Jaamicadda Hargeysa ayaa maanta xaflad ballaadhan u qabtay ardadii ugu badneyd ee isku mar ka qalinjebisa tan iyo intii jaamicaddaas la aasaasay 17 sano ka hor.

Ardaydan oo ah dufcaddii 14-aad waxay dhan yihiin 1125 arday oo ka kala qalin jebiyay laba iyo toban kulliyadood oo kala duwan, waxaa kale oo jaamicadda Hargeysa markii ugu horeeyay ka qalin jebiyay arday qaatay shahaadada Masters-ka ee caafimaadka.

Jaamicadda oo ay dhigtaan sida uu BBC-da u sheegay gudoomiyaha jaamicaada Hargeysa professor Maxamuud Yuusuf Muuse arday ku dhow siddeed kun oo arday waxa kale oo leedahay mac-hadyo cilmi baadhiseed iyo xallinta khilaafaadka.

Image caption Ardayda qalin jabisay

Xafladda maanta ee qalin jebinta jaamicadda hargeysa waxaa ka qayb galay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo, madax kale, ardayda iyo macallimiinta jaamicadda iyo waalidiinta.

Ardayda qalin Jebineysay ayaa madaxda iyo macallimiintubu u hambalyeeyeen iyagoo u rajeeyay mustaqabal wacan.