Myanmar: Saraakiil Qaramada Midoobay ka socda oo tagaya gobolka Rakhine

. Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption .

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in saraakiil sare sare oo gargaarka ka shaqeeya loo ogolaaday in ay markii ugu horaysay maanta tagayaan gobolka Rakhine ee Myanmar tan iyo intii uu bilaabmay qaxa ballaadhan ee Muslimiinta Rohingya bil ka hor.

Socdaalkooda waxa si adag u kormeeri doona dawladda Myanmar. Af-hayeen Qaramada Midoobay u hadlay ayaa sheegay in uu rajo ka qabo in booqashadani noqon doonto tallaabadii u horaysay ee furta galaangal kale oo dheeraad ah oo lagu tagi karo gobolkaas.

Tan iyo intii ay markii ay weerarradii ay qaadeen Rohingya-ha xagjirka ahi ee milatariguna hawl galka ballaadhan kaga falceliyey, ayaa waxa weli ku nool cooshado ku yaal gobolka Rakhine tobanaan kun oo qof oo Muslimiin ah iyo sidoo kale kuwo Budhist iyo Hundus ah.

In ka badan afar boqol oo kun oo qof ayaa u qaxay dalka ay deriska yihiin ee Bangladesh.

Golaha Amaanka oo kulan ka yeelanaya xaalada Myanmar

Hogaamiyaha Myanmar oo lagu dhaliilay arrinta Rohingya

Hogaamiyaha Myanmar: Kama 'baqayo' dhaliisha dunida