Kumannaan shacabka Catalonia ah oo isu soo baxay

Catalonia Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Catalonia ayaa doonaysa inay ka go'do Spain

Tobanaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay magaalada Barcelona xilli maanta uu ku egyahay ololaha aftida madax bannaanida gobolka Catalonia, taasoo ay mamnuucday dowladda Spain.

Dadka taageersan in aftidu dhacdo ayay ka go'an tahay inay codkooda dhiibtaan walow ay tallaabadaasi si weyn u diiddan tahay xukuumadda Madrid.

Kumannaan boolis dheeraad ah ayaa laga keenay qeybaha kale ee Spain, waxaana dowladdu ay ku dadaalaysaa sidii ay ku joojin lahayd aftidaasi.

Dhanka kale sharikadda Google ayaa tirtay app loo adeegsan lahaa in codbixiyayaasha Catalonia loogu tilmaamo goobaha codbixinta.

Dadka doonaya inay lasoo degaan app-kan ayaan hadda gobolkaa ka heli karin, balse kuwii horay ula degay ayaa adeegsan kara.

Sharikaddan ayaa sheegtay inay raacayso amar maxkamadeed.

Catalonia ayaa ah gobol qani ah oo ay ku nool yihiin 7.5 milyan oo qof, isla markaana leh luuqad iyo dhaqan u gaar ah iyo weliba ismaamul ilaa xad ah, balse dastuurka Spain ayaa dhigaya inuu ka mid yahay dalkaasi.