Turkiga oo xarigga ka jaray saldhigga milateri ee Muqdisho

Saldhigga Turkiga ee Muqdisho.
Image caption Saldhigga Turkiga ee Muqdisho.

Dowlada Turkiga ayaa xarigga ka jartay saldhigga milateri ee ay ka hirgalisay magaalada Muqdisho. Saldhiggan ayaa waxaa uu noqonaya xarunta tababar ee ugu weyn adduunka ee uu Turkiga ka hirgeliyo meel ka baxsan gudaha dalkaasi.

Munaasabadda furitaanka saldhigga oo ay ka qeyb galeen saraakiisha milateriga ee Trurkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale lagu casuumay wakiilada beesha caalamka u jooga Soomaaliya, saraakiil ka socda AMISOM, Midowga Yurub iyo gaashaanbuurta NATO.

Dowlada Turkigu waxaa ay sheegtay in saldhiggani halkii mar lagu tabababari karo inkabadan kun iyo shan boqol oo ah ciidammada dowladda Soomaaliya. Ula jeeedada saldhiggani ayaa la sheegay inay tahay sidii loo xoojin lahaa ciidammada milateriga ee Soomaaliya, si loo soo afjaro dagaalka ka dhanka ah xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Inkabadan labaatan askari oo ah kuwa nabad ilaalinta ee midowga Afrika iyo ciidamo kale oo ajnabi ah ayaa ku sugan Soomaaliya, kuwaa oo halkaasi u jooga taakuleynta ciidammada dowlada iyo sidii looga adkaan lahaa Alshabaab.

Image caption Saldhigga Turkiga ee Muqdisho.

Ahmiyadda saldhiggani uu u leeyahay milateriga Soomaaliya

Saldhigan oo loo dhisay qaab casri ah ayaa ku yaalo deegaanka Jasiira ee magaalada Muqdsho, waxaana dhismahani uu ku fadhiya dhul dhan afar kilomitir. Saldhiggani ayaa waxaa uu sidoo kale leeyahay darbi shub ah iyo dhismayaal casri.

Madaxdii halkaasi ka hadashay oo isugu jira Soomaali iyo Turki ayaa ku nuxnuuxsaday in saldhigani uu gacan ka geysan doona sidii loo tayeen lahaa ciidammada dowladda.

Taliyaha ugu sareeya ciidammada milateriga ee Soomaaliya Axmed Jimcaale Cirfiid ayaa sheegay in dhibaato ay ku qabeen qalabeynta ciidammada marka la tababaro, waxaana uu bogaadiyay tallaabadan dowladda Turkiga ay ka hirgalisay gudaha wadanka.

Dugsigan tababarka ayaa u sahli doonaa wasaarada gashandhiga ee Soomaaliya sidii loo qalabeyn lahaa ciidammada dowladda.

Image caption Saldhigga Turkiga ee Muqdisho.

Sidookale taliyaha ugu sareeya ciidammada dalka Tukiga Generaal Hulusi Akar ayaa ka hadlay xafladaasi, waxaa isna xaflada ka hadlay ra'iisul wasaarha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo sheegay in dugsigani uu asaas u noqon doono dhismaha ciidanka cusub ee Soomaaliya.

Kheyre ayaa intaa ku daray in Soomaaliya ay u baahantahay ciidan qaran oo aan qabiil aheyn, waxaan dugsigan tababarka uu sheegay in uu bilaw u yahay horumarka cusub ee dhanka gashandhiga.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan