Madaxweyne Xaaf oo markale eedeeyey dawladda federalka ee Soomaaliya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Madaxweyne Xaaf oo markale si kulul u eedeeyey dawladda federalka ee Soomaaliya

Magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug waxaa wali ka taagan xiisad Siyaasadeed iyo baqdin laga muujinayo in xaalku faraha ka baxo marka la eego halka uu gaadhay khilaafka u dhexeeya madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug, khaasatan madaxweynaha oo dhinac ah iyo guddoomiyaha golaha barlamaanka iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka oo dhinac ah.

Haddaba, madaxweyne Ahmed Ducaale Geele, Xaaf, oo maanta BBC-da u waramay ayaa si kulul u eedeeyey dawladda federalka ee somalia.

Wariyaha BBC-da Cabrisaqq Xaaji Catoosh oo telefoonka ku wareystay ayaa madaxweyne Xaaf wuxuu waydiiyey waxa uu ku saleynayo eedaha dawladda Soomaaliya uu u jeedinayo.