Shirka ka hortaga rabshadaha ku salaysan xagjirnimada oo Muqdisho lagu qabtay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirka ka hortaga rabshadaha ku salaysan xagjirnimada oo Muqdisho lagu qabtay

Magaalada Muqdisho waxa lagu qabtay shirka ka hortaga rabshadaha ku salaysan xagjirnimada, kaasoo qayb ka ahaa shirkii arimaha amniga Soomaaliya ee bartamihii sanadkan lagu qabtay magaalada tan London.

Shirka waxa si wadajira u gudoominayay ra'isul wasaare kuxigeenka Soomaaliya, wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, iyo danjiraha Sweden.

Shirka waxa kaloo joogay wasiiro heer federaal iyo heer maamul goboleed ah iyo safiirada dalalka caalamka u fadhiya Muqdisho.

Weriyaha BBC-da Muqdisho Ibrahim Maxamad Aden ayaa arimaha shirkan ka waraystay wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya, Cabdiraxman Cumar Cismaan oo loo yaqaano Injineer Yariisow.