Qaar kamid ah xilibaanada dumarka ah ee Soomaaliya oo aqoon kororsi u tegay Mareykanka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qaar ka mid ah xildhibaannada dumarka ah ee Soomaaliya oo aqoon kororsi u tegay Maraykanka

Dawladda Maraykanka ayaa dalkeeda ku casuuntay shan gabdhood oo ka tirsan xildhibaannada golaha shacabka iyo aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, si ay wax isu waydaarsadaan waxna uga bartaan habka federaalka uga shaqeeyo wadanka Maraykanka.

Xildhibaannadu inta ay joogeen Maraykanka waxay soo mareen gobolo kala duwan oo wadankaasi ka mid ah. Sidoo kalena, waxay la kulmeen hay'ado iyo mudanayaal ka tirsan dawladda dhexe.

Xildhibaan Xaniifo Maxamed Ibraahim Xaabsade, waxay ka tirsan tahay gabdhahaasi xildhibaannada ah, waxayna u warantay weriyaha BBC Maxamed Xaaji Xussen Shiine.