Kenya: Xiisadda siyaasadeed iyo saamaynta ganacsiga
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Kenya: Xiisadda siyaasadeed iyo saamaynta ganacsiga

Xiisadda siyaasadeed ee dalka Kenya ka taagan ayaa saamayn taban ku yeelatay dhaqaalaha dalka. Iyada oo ay ka hadhsantahay maalintii loo asteeyey in la qabto doorashada madaxtooyada ee ku celiska ah muddo laba todobaad ahi, ayaa maxkamadu soo saartay xukun faraya gudida doorashooyinka in dhamaan musharaxiintii ka qayb gashay doorashadii hore ee madaxtinimada loo ogolaado in ay tan ku celiska ahna u ka qayb galaan, hase yeeshee waxa sii murgiyey xiisadda siyaasadeed ee dalka ka taagan, hogaamiyaha isbahaysiga mucaaradka,isla markaana ah musharaxii uga qayb galay doorashadii hore oo sheegay in aanu ka qayb galay doorashada.

Hadaba ganacsiga dalka ayaa ka mid ah meelaha xiisaddan sii cakirmaysaa saamaynta taban ku yeelatay, waxaanay wararku sheegayaan in dhaqaalihii dalku hakad galay. Cabdi Xasan Cali oo ah nin muddo 15 sano iyo dheeraad ah ka ahaa ganacsade magaalada Kisumu ee galbeedka dalkan, ayaa ka waramaya sida ay ganacsatadu farta wadnaha ugu hayaan, Cabdifataax Ibraahim Cagayare ayaa khadka telefanka kula xidhiidhay oo ugu horrayn waydiiyey jawiga guud ee magaalada iyo ganacsigaba.