Madaxweynaha Iran oo ka jawaabay hadalkii Trump

Madaxweynaha Iran Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxweynaha Iran

Madaxweynaha Iran, Xasan Ruuxaani, ayaa su'aal geliyey hadalkii Madaxweyne Trump ee ahaa in aanu ku qancayn dhaqan galka heshiiskii ay dhawrka dal iyo Iran wada saxeexdeen.

Isaga oo hadal ka jeedinaya Telefishanka Iran, ayaa hogaamiyaha Iran yidhi Madaxweyne Trump wuxu doonayey in Congress-ka Maraykanku qodobo cusub ku daraan heshiiskaa, isaga oon dhaadanayn in aan mar hadii la saxeexay waxba lagu darin karin lagana bedeli karin.

Ruuxaani wuxu sheegay in Iran heshiiskaa nukliyeerka u aragto mid dhinacyo badani ku heshiiyeen isla markaana ay dhaqan gelin doonto ilaa inta ay dalalkaa kalena inta ka khusaysa heshiiska dhaqan gelintiisa wadaan.

Waxa kale oo uu sheegay in Iran aanay marnaba u liici doonin cadaadiska iyo colaadda Trump, balse ay sii laban laabi doonto kartideeda gaashaan dhigga.