Ololaha doorashada oo maanta ka bilowday Somaliland
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ololaha doorashada oo maanta ka bilowday Somaliland

Guud ahaan magaalooyinka jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland waxaa maanta ka bilowday dibedbaxyada iyo dhoolatuska taageerayasha xisbiyada ku tartamaya doorashada madaxtinimada oo lagu wado inay dhacdo 13-ka bisha Novembar.

Iyadoo xisbi kastaa ba saddexda xisbigi ee kala ah UCID, KULMIYE iyo WADDANI uu maalintiisa leeyahay fagaarayaasha dalka oo dhan, ayaa maanta waxaa bilaabay xisbiga mucaaradka ee UCID.

Fagaaraha beerta xorriyada ee magaalada Hargeysa waxaa isugu soo baxay kumanaan taageerayaasha UCID oo sita boodhadh iyo sawiro iyagoo ku dhawaaqayay ereeyo ay ku taageerayaan xisbigaasi .

Sidoo kale xisbiga mucaaradka ee UCID waxaa uuu fagaarayaasha magaalooyinka waaweyn waxaa uu ku qabtay dibadbaxyo kan oo kale.

Murashaxa madaxweynaha ee xisbiga Faysal Cali Waraabe ayaa isugu taageerayaashiisa Burco kala qayb galay , halka murashaxa madaxweyne xigeenku Axmed Cabdi Muuse uu kala qayb galay taageerayasha xisbiga UCID ee magaalada Laascaanood .

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa warbixintan nooga soo diray fagaaraha beerta xorriyada ee Hargeysa.