Taageerayaasha xisbiga kulmiye oo maanta isugu soo baxay fagaaraha beerta xorriyada ee Hargeysa
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Taageerayaasha xisbiga kulmiye oo maanta isugu soo baxay fagaaraha beerta xorriyada ee Hargeysa

Taageerayaasha xisbiga talada haya ee Somaliland ee kulmiye ayaa maanta cududoodu ku muujiyay iyagoo kumanaan ah fagaaraha beerta xorriyada ee Hargeysa iyadoo ololaha xisbiyadu uu galay maalintiisii labaad.

Taageerayaasha kulmiye ayaa lulayay calanka xisbiga iyo sawirada murashaxiinta iyagoo ku dhawaaqayay halkudhegyo ay ku muujinayeen taageeradooda, iyadoo uu kala qayb galay murashaxa madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi iyo madax kale . Sidoo kale fagaaraha khayriyada ee Burco waxaa dadweynaha kala qayb galay madaxweynaha Somaliland Axmed siilaanyo oo isagu aasaasay xisbiga kulmiye .

Haddaba xamaasadii fagaaraha beerta xorriyada ee Hargeysa iyo guud ahaan ololihii maanta ee taageerayaasha xisbiga kulmiye waxaa warbixintan nooga soo diray weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed saciid Cige