Soomaalida qaxootiga ku ah Kakuma oo ka cabanaya dhibaatooyin xagga nolosha ah
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaalida qaxootiga ku ah Kakuma oo ka cabanaya dhibaatooyin xagga nolosha ah

Soomaalida ku nool xeryaha qaxootiga ee Kaakuma ee dalka Kenya ayaa cabasho ka muujiyay nolosha adag ee ay ku nool yihiin.

Dadkan oo u badan kuwo ay hay'adda UNHCR ay ka soo qaadday xeryaha Dhadhaab ayaa sheeganaya in dhibaatooyin kala gadisan ay xeryahaasi kula kulmaan tan iyo markaa ay halkaasi loo soo wareejiyay.

Waxa ay sheegayaan in mararka qaar iyagoo raashin haysta ay haddana waayaan biyihii ay ku karsan lahaayeen.

Xeradan ayaa waxaa ku nool qowmiyado kala gedisan.

Haddaba weriyaha BBC-da Ciise Xaaji Cabdulle oo dhawaantan booqday xeryaha Kaakuma ayaa warbixintan umuurtaasi inooga diyaariyay: