Siyaasadda Kenya oo saameysay dhaqdhaqaaqa ganacsiga xerada qaxootiga Kakuma
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Siyaasadda Kenya oo saameysay dhaqdhaqaaqa ganacsiga xerada qaxootiga Kakuma

Haddaba iyadoo sida loo ballansan yahay ay wax ka yar 24 saacadood ay ka harsan tahay doorashadaasi, ayaa xamaasadda siyaasadeed ee Kenya ka taagan waxaa laga dareemayaa deegaano badan oo dalka ah.

Guud ahaan waxaa hoos u dhacay dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha, saameyntuna dhinacwalba ayey gaartay.

Weliba kuma aanay ekaan dadka Kenya u dhashay oo kaliya ee, waxaa iyana nasiibkooda helay ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan xerada qaxootiga ee Kaakuma.

Weriyaha BBC-da Ciise Xaaji Cabdulle oo dhawaan safar shaqo ku tegay xeryahaasi ayaa warbixintan umuurtaasi inooga diyaariyay.