Daawo: Qorshaha Farmaajo ka dib weerarkii Soobe
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Daawo: Qorshaha Farmaajo ka dib weerarkii Soobe

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay in madaxda dalalka Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti ay la qaateen in la dar-dar geliyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Dalalkaasi waxaa Soomaaliya ka jooga ciidammo qeyb ka ah AMISOM.

Farmaajo faahfaahin kama bixinin tallaabooyinka ay qaadi doonaan balse waxa uu sheegay inuu wali ku howlan yahay sidii uu ula imana lahaa qorshayaal lagu '' lagu dabargooynayo khatarta Alshabaab''.

Waxay arrintaasi ka dambeysay qarixii 14 Oktoobar ka dhacay Soobe oo ay ku dhinteen in ka badan 350 qof.