Somaliland: Taliyeyaasha ciidamada oo warbaahinta la hadlay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland: Taliyeyaasha ciidamada oo warbaahinta la hadlay

Iyada oo berito oo Isniin ah 13 Noofembar 2017 ay dadweynaha reer Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland u dareeri doonaan goobaha codbixint, si ay u soo doortaan madaxweyne iyo madaxweyne xigeen cusub ayaa maanta magaalada Hargeysa waxaa kula hadlay warbaahinta taliyaasha guud ee ciidamada qalabka sida ee Somaliland.

Waxa ay wadajir ugu dhawaaqeen in uu suganyahay ammaanka dhammaan 1642 –kag oobood ee codbixintu berito aroornimada ka bilaabmeyso lixda gobol ee Somaliland.

Shirkaas jaraa'id ka dib, ayaa weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Saciid Cige oo goob joog ahaa wuxuu su'aalo weydiiyay taliyaha guud ee ciidanka milateriga Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani , taliyaha guud ee booliska Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan iyo taliyaha guud ee ciidanka Asluubta Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Cismaan Ibraahim (Xudhuun).

Cige waxa kale oo uu soo sheegay in dadweyne badani u safraayaan deegaanada ay iska diiwaan geliyeen si ay berito uga soo codeeyaan. Waxaa laga dareemayaa magaalada Hargeysa in dadkii ku yaraadeen kadib markii dad aad u fara badani u safreen deegaanadoodii oo ay ka soo codeynayaan berito.