Qoysaska dadkooda lagu waayay qaraxii Soobe oo bil kaddib dareenkooda BBC-da la wadaagay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qoysaska dadkooda lagu waayay qaraxii Soobe oo bil kaddib dareenkooda BBC-da la wadaagay

Waxaa maanta muddo bil ah laga joogaa qaraxyadii Muqdisho ka dhacay 14 kii bishii Oktoobar kuwaas oo ay ku dhinteen dad gaaraya 400 oo qof, ayna ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan.

54 qoys ayaanan weli nolol iyo geeri midna ku hayn eheladoodii muddo bil kadib, waxaase loo badinayaa inay ka mid noqdeen dad badan oo aan la aqoonsan oo la aasay iyagoon jirkooda la garan karin oo xubnahoodu googo'een ama gubteen.

Haddaba weriyaha BBC-da ee magaalada Muqdisho, Ibraahim Maxamed Aaden ayaa booqday guriga qoyska Cabdullahi Cismaan Faarax oo ahaa 23 jir lagu waayay geeri iyo nolol qaraxii Soobe, warbixintan ayuuna inooga soo diray.