Somaliland oo weli baraha bulshadu ku xiriirto ay xiran yihiin
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland oo weli baraha bulshadu ku xiriirto ay xiran yihiin

Somaliland waxaa maalintii labaad xayiran baraha ay bulshada ku wada xiriirto, taas oo guddiga doorashooyinku ay ku sheegeen inay kaga hortagayaan in barahaasi lagu faafiyo warar been abuur ah oo doorashada la xiriira.

Haddaba weriyaha BBC-da Bashkas Jugsodhacay oo maalmahanba doorashada Somaliland inooga soo warramayay ayaa magaalada Hargeysa waxa uu kula sheekaystay qaar ka mid ah dhalinyarada magaaladaas ee sida weyn ugu taxan baraha bulshada ee la xannibay, dooddan gaaban ayuuna u qabtay.