Isku dhacyo horleh oo ka dhacay magaalada Nageyle
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Isku dhacyo horleh oo ka dhacay magaalada Nageyle

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in in ka badan 20 qof ay ku dhinteen isku dhacyo u dhaxeeya qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Isku dhacyada oo inta badan la xiriira arrimo dhul ayaa ka dhacay xudduudda gobolda Soomaalida iyo Oromada.

Ma aha markii ugu horreysay oo ay isku dhacyo dhexmaraan qoomiyadahani wada degggan dalka Itoobiya.

Haddaba si aan wax badan uga ogaano arrimahaasi ayaa waxa aan waraysi la yeelanay mid ka mid Soomaalida degan magaalada Nageyle oo sababo ammaan awgood aan u qarinay magaciisa.