Maxay tahay howlaha horyaala barlamaanka Somaliland?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxay tahay howlaha horyaala barlamaanka Somaliland?

Baarlamaanka Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland oo sababo la xiriira ololihii doorashada muddoba fasax ku maqnaa ayaa fadhigiisa dib uga billaabay xaruntiisa Hargeysa, waxaana fadhigii shalay uu ku ansixiyay ajandaha kalfadhigan oo socon doona dhawr bilood.

Waxyaabha cusub ee ku jira ajendahan waxaa ka mid ah xeerka lacagaha sharci darrada ah, boliiska, kufsiga ,miisaaniyadda dowladda ee 2018, iyo xeerar ku saabsan sahminta shidaalka iyo dakhliga ka soo xarooda.

Guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa qodobadaasi uga warramay weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed saciid Cige.