Bandhigga carwada sawiradda iyo far-shaxanka ee Garowe
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Bandhigga carwada sawiradda iyo far-shaxanka ee Garowe

Magaalada Garowe ayaa waxaa dhawaan lagu qabtay carwo-bandhigeed xagga sawirada iyo farshaxanka ah.

Carwadaan ayaa lagu soo bandhigay sawiro lagu qaaday gacanta iyo kuwa farshaxanka ah, tani ayaana ah sanadkii saddexaad oo si joogta ah loogu qabto bandhiga carwada sawirada magaaladaasi.

Sanadkaan bandhiga carwada ayaa waxa ay soo jiidatay dhalinyaro badan oo ka kala yimid gobollada maamulka Puntland.

Axmed Cawil oo BBC-d uga soo warrama Puntland ayaa waxa uu bandhiga carwada kala sheekeystay Balqiiso Cabdirisaaq oo barnamijkan soo agaasintay iyo Abshir Jaamac oo ka mid ah dhallinyaradii sawirradooda ku soo bandhigay carwadaasi. Balqiisa ayaana su'aasha ugu horreyso ka jawabeysa.