Dalxiisayaal ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay Mexico

Goobta uu shilka ka dhacay Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Goobta uu shilka ka dhacay

Bas siday dalxiisayaal ka yimid dalxiis ayaa ku rogmaday Koonfurta bari ee dalka Mexico. Mas'uuliyiinta halka uu shilka ka dhacay ayaa sheegay in shilkani ay ku dhinteen laba iyo toban qof, halka sideed iyo toban kale na ay ku dhaawacmeen.

Baskan rogmaday ayaa waxaa la sheegay inuu siday kow iyo soddon qof, kuwaa oo kusii jeeday goobo loo dalxiis tago oo ku yaala isla dalka Mexico.

Sideed kamid ah dadka dhintay ayaa ahaa muwaadiniin u dhashay dalka Mareykanka, halka kuwa kale na ay ka soo jeedaan dalalka Sweden, Canada iyo Mexico.

Dadka ay waxyeeladu soo gaartay waxaa kamid aheyd haweeney da'a ah oo ka soo jeeda magaalada Miami ee dalka Mareykanka.

Sidoo kale caruur ayaa iyaguna la sheegay inay kamid ahayeen dadka ku dhintay weerarka.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka ayaa xaqiijiyay muwaadiniinta Mareykanka ee ku dhintay shilka.

Dadka dhaawacmay ayaa la geeyay cisbital ku yaala halka ay wax ka dhacaeen, shank kamid ah ayaa na la sheegay in xaaladoodu ay sahlantahay oo laga soo saaray cisbitalka.

Ilaa iyo hadda ma cadda waxa sababay shilka, balse weriyaha BBC-da ee halkaasi ayaa soo sheegaya in shilalka ay ku badanyihiin dalka Mexico, maadaama dadka ay ku safraan waddooyin halis ah xiliyada habeenkii.

Booliska dalka Mexico ayaa xabsiga dhigay wadihii baaburka, waxaana socda baaritaan ku aadan waxa sababay shilka.

Mowduucyada la xiriira