Mashruuc dadka gurya la'aanta teendhooyin kartoono ah loogu qeybiyay Belgiumka

Dad badan ayaan ka xun heerka dadka gurya la'aanta ah ee ku nool magaalooyinka waqooyi. Lahaanshaha sawirka APA
Image caption Dad badan ayaan ka xun heerka dadka gurya la'aanta ah ee ku nool magaalooyinka waqooyi.

Mashruuc laga bilaabay caasimadda Brussels ee dalka Belgiumka ayaa loogu qeybiyay dadka gurya la'aanta ah eek u nool halkaasi teendhooyin ka sameysan kartoono si ay ugu seexdaan.

Teendhooyinkan ka sameysan kartoonada oo loo yaqaano mashruuca ORIG-AMI, ayaa dadka isticmaalaya waxay ku qaadan karaan dushooda si ay u isticmaalaan marka ay u baahdaan jiif.

Caasimadda Brussels ayaa waxaa ka mamnuuc ah inay ka dhistaan waddooyinka teendhooyin, taasi oo ka dhigan in dadka gurya la'aanta ah ay marwalba eryaan booliisku.

Dadka soo hindisay mashruucan ayaa rajeynaya in teendhooyinkooda loo ogolaan doono in dadka hoy la'aanta ah ay ku seexdaan gooba nabdoon ku.

Waxa ya sheegeen madaxda mashruucan sidoo kale in booliisku ay ogolaan doonaan arrinta .

Gooba badan oo lagu hoydo oo ku yaalla caasimadda Brussels ee Belgimka ayaa la buux dhaafiyay maadama lagu jiro xilliga jiilaalka.

Waxaana qaar ka mid ah dadka gurya la'aant ah aysan rabin inay aadaan goobaha kale ee lagu hoydo maadaama ay seexdaan xawaan kale.

Teendhooyinka oo loogu talagalay dadka hoy la'aantaa inay uga gaashaantaan ayaa lasoo bandhigay Tmaalintii Khamiista .

Mowduucyada la xiriira