Maxaad kala socotaa horyaalka FA-ga ee Isbuucan ?

Horyaalka FA waa tartan fac weyn Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Horyaalka FA waa tartan fac weyn

Waxaa England ka socda tartanka FA-ga oo ay ku tartamaan kooxo badan oo heerar kala duwan ka dheela.

Ciyaarahii xalay dhacay waxaa ka mid ah. Manchester United oo la dheeshay kooxda Derby County.

Manchester United ayaa labo gool iyo eber ku adkaatay, waxaana goolasha kala dhaliyay Rumalo Lukaku iyo Jese Lingard.

Weeraryahanka reer Biljim ee Lukaku ayaa ka soo laabmay dhaawac uu ku maqnaa oo dhowaan soo gaaray.

Liverpool ayaa iyana waxay labo gool iyo hal kaga adkaatay kooxda Everton oo ay halka magaalo ka wada dhisan yihiin.

Tartanka FA-ga ayaa ka mid ah koobabka ugu faca weyn aduunka. Waxuuna magac weyn ku leeyahay Britain.

Maanta sidoo kale waxaa la dheelayaa kulamo badan oo koobkan FA-ga ka mid ah.

Waxaa isbuucan si weyn looga nastay tartanka horyaalka England oo ay weli hogaanka hayso kooxda Manchester City.

Waxayna kooxda Manchster City u muuqataa inay sii fogaysanayso dhibcaha kooxaha kale ay ka horayso.

Kasakow kooxdan inay hogaanka hayso waxaa la saadaalinayaa inay tahay kooxda ilaa iyo hadda ugu adag horyaalkan.