Jigjiga: Haweenay ganacsi ay amaah ku bilowday guul ka gaadhay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Jigjiga: Haweenay ganacsi ay amaah ku bilowday guul ka gaadhay

Waxa la sheegaa in beryihii dambe dumarka Soomaalida ah meel kasta ha joogaane ay nolosha qoysaskooda iyo ta guud ee bulshadaba kaalin wayn ka qaateen. Walow yaryihiin haweenka aqoontoodu gaadhsiisantahay heer jaamacadeed ayaa hadana waxa jira qaar ka mid ah kuwaas oo ay u suurto gashay in dedaalka lagu yaqaan dumarka Soomaalida oo ay wehelisay aqoontoodu guulo waawayn ku gaadhay.

Waxa haweenkaas ka mid ah Muntaha Carab Xasan oo ah gabadh ka qalin jabisay jaamacadda Addis Ababa ee dalka Ethiopia haatanna ganacsi fiican ku leh magaalada Jigjiga oo ah goobtii ay ganacsigeeda lacag yar oo amaah ah kagaga bilowday. Weriye Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam ayaa la kulmay oo ka waraystay guulaha ay ka gaadhay ganacsiga.