K/Koonfureed oo ka dalbatay K/Waqooyi inay sharaxaad ka bixiso xubno ka baaqday shir

Kuuriyada Woqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa ku heshiiyey inay hoos socdaan calan isku mida bisha dambe ee ciyaaraha olombiga ee qaboobaha Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Kuuriyada Woqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa ku heshiiyey inay hoos socdaan calan isku mida bisha dambe ee ciyaaraha olombiga ee qaboobaha

Kuuriyada Koonfureed ayaa ka dalbatay Kuuriyada Waqooyi inay sharaxaad ka bixiso sababta ay u hakisay kulan horey loo qorsheeyay oo looga hadlli lahaa ciyaar dhaqameedyo loogu talla galay in lasoo bandhigo xilliga ay socdaan ciyaaraha qaboobaha ee bisha soo socoto qabsoomaya.

Xukuumadda Pyongyang ayaa horey u ogolaatay inay u dirto ergo 7 xubnood ah oo soo eegta xarumaha lagu qabanayo ciyaar dhaqameedka, balse maalintii Jimchaha ayay ku wargalisay Seoul in booqashada ergadaasi la hakiyay.

Dalabka Kuuriyadda Koonfureed ee ah in sharaxaad laga bixiyo sababta loo hakiyay booqashada xubnahaasi oo la sugayay ayaysan wali Kuuriyadda Waqooyi jawaab ka bixin.

Dhanka kale, saraakiisha labada Kuuriya waa Kuuriyada Koonfureed iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa kula kulmaya magaalada Geneva xubno ka tirsan guddiga caalamiga ee ciyaaraha qoboobaha si ay uga gaaraan go'aan heerka uu gaarsiisan yahay rabitaanka ka qeybgalka Kuuridyada Waqooyi ee ciyaarahan.