Turkiga oo Mareykanka ugu baaqay in uu joojiyo taageerada Kurdiyiinta
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Turkiga oo Mareykanka ugu baaqay in uu joojiyo taageerada Kurdiyiinta

Turkiga ayaa ugu baaqay Mareykanka in uu joojiyo tageerada uu siiyo Maleshiyaadka Kurdiyiinta ee Suuriya, hubka uu kooxdan siiyayna uu dib ula laabto.

Dagaalyahannada Kurdiyiinta ayaa ka mid ah kooxaha sida aadka ah gacan uga siinaaya xulufada Mareykanka uu hogaaminayo dagaalka ay kula jiraan kooxda la abxday dowladda Islaamiga ee Suuriya.

Balse Turkiga ayaa hadda dalbanaaya in wada shaqeeynta u dhaxeeysa Kurdiyiinta iyo Mareykanka in la soo afjaro madaama hada laga adkaaday kooxda Daacish.

Xilli uu la hadlaayay BBC-da ayaa afhayeenka madaxweynaha Turkiga, Ibrahim Kalin waxa uu difaacay howlgalka uu cidaankooda ka wado gobolka Afrin.

Dhanka kale, xoghaya arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson oo ka hadlaayay shir jaraaid oo si wada jir ah ay u qabteen isaga iyo dhiggisa Britain ayaa waxa uu sheegay in Washingto ay dooneyso in Ankara ay kawada hadlaan waxyaabaha ay ka walwalsan tahay.

Gulufkan colaadeed ee ciidamada Turkiga ka wadaan woqooyiga Suuriya ayaa waxaa ku barakacaya kumanaan kun oo qof, waxaana qaar ka mid ah dadkaasi ay u baxsanayaan dhanka magaalada Xalab.

Golaha Qaramada Midoobay ayaa ka kulmayay xaaladda ka soo cusboonaatay woqooyiga Suuriya, waxaana dowladda Turkiga loogu baaqay in ay xakameyso dagaalka.

Haddaba maxay tahay ujeedada uu Turkigu ka leeyahay hawlkan milatari ee ka dhanka ah Kurdiyiinta Suuriya, suurtagal ma tahayse in uu isku furay aag cusub?

Su'aalahaasi iyo kuwo kale ayay weriyaha BBC-da Bushra Nuur Maxamed waxa ay weydiisay Cabduaadir Maxamed Axmed oo ka faallooda arrimaha caalamka.