Shirweynaha madaxda Midowga Afrika oo Addis Ababa ka furmaya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirweynaha madaxda Midowga Afrika oo Addis Ababa ka furmaya

Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Addis Ababa uu ka furmo shirweynaha madaxda Midowga Afrika, iyadoo ajanduhuna uu yahay sidii loogu guulaysan lahaa dagaalka ka dhanka ah musuq maasuqa loona heli lahaa hannaan toos ah oo loo maro isbedelka Afrika.

Sidoo kale waxaa ajandaha ka mid ah in laga wadahadlo hirgelinta hal suuq oo gaadiidka cirka ah oo Afrika ka wada dhaxeeya iyo qorshaha dhaqan dhaqaale ee qaaradda ee 50-ka sanno ee soo socota iyo arrimo kale.

Dhanka kale weriyaha BBC-da halkaas uga soo warrama ayaa sheegaya inuu jiro wadahadal lagu soo saarayo bayaan xooggan oo lagu cambaaraynayo erayadii laga haboonaa ee uu dhawaantan Madaxweyne Donald Trump u adeegsaday dalalka Afrika.

Haddaba si aannu qodobadaas u faafaahinno ayaa waxaannu studio-yaheenna ku casuunnay Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo aan waydiiyay in musuq maasuqa iyo Afrika la kala reebi karo?