FBI-da Mareykanka oo walaac ka muujisay warqad ka dhan saxnaanshaheeda

FBI-da Mareykanka Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption FBI-da Mareykanka

Laanta dembi barista Mareykanka ee FBI-yada ayaa cambaareysay isku dayga xisbiga Jamhuuriga ku doonayo inuu ku shaaciyo warqad sir ah oo FBI-da ku eedeeyneysa inay ku takrifashay awoodaheeda oo ay isku dayday in la baaro Madaxweyne Donald Trump.

FBI- da Mareykanka oo war qoraal ah ka soo saartay arrintani ayaa sidookale sheegtay in warqadaasi ay saameyn ku yeelan doonto saxnaanshaha FBI-da.

Aqalka cad ee Mareykanka oo ay tahay inay ansixiyaan sii deynta warqadani ayaa lagu soo warramayaa inay sheegtay in warqadani la shaacin doono maalinta khamiista.

Xisbiga Dimoqraadiga ayaa ku andacoonaya in warqadani ay tahay mid lagu waxyeleynayo sumacdda FBI-da, iyo baaritaanada ay ku heyso faragelinta la sheegay in Ruushka uu ku sameeyay doorashooyinkii Mareykanka.