Mareykanka oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Kenya

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee wadanka Mareykanka Heather Nauer Lahaanshaha sawirka Heather Nauer
Image caption Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee wadanka Mareykanka Heather Nauer

Dowladda Mareykanka oo ka hadashay dhacdooyinkii u dambeeyay ee ee dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegtay inay ka walaacsantahay tallaabada hogaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila odinga uu isugu dhaariyay xilka madaxtinimada.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee wadanka Mareykanka Heather Nauert ayaa sheegtay in Mareykanka uu ku baaqayo in murranada ka dhasha doorashooyinka lagu xaliyo sharciga u yaala dalka Kenya.

Mareykanka ayaa sidookale cambaareeyay tallabada dowladda Kenya ay hawada uga saartay qaar kamid ah warbaahinta madaxabanaan, kadib markii ay si toos ah u tabiyeen xafladda dhaarinta Raila Odinga.

Maxkamadada sare ee dalka Kenya ayaa maalin kahor hakisay go'aankii ay dowladda ku xirtay oo ay hawada uga saartay saddex ka mid ah telefishinada dalkaasi.

Maxkamadda ayaa sheegtay inay joojisay xiritaanka telefishinadan muddo 14 maalmood ah si kiiska maxkamada yaala loo dhagaysto, islamarkana go'aan laga gaaro.

Wasiirka arrimahha gudaha ee Kenya Fred Matiang'i ayaa horay u sheegay in xarumahani warbaahinta ay sii xirnaan doonaan ilaa baritaanada laga soo gabagabaynayo.

Telefishinada kala ah NTV, KTN iyo Citizen ayaa hawada ka baxay Talaadadii saacadu markay ahayd 9 barqanimo.

Mowduucyada la xiriira