Falanqayn: Taliska ciidanka Sucuudiga ee la bedelay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Falanqayn: Taliska ciidanka Sucuudiga ee la bedelay

Wareegto boqortooyo oo goor dambe oo xalay soo baxday ayaa Sucuudigu ku eriyay dhamaan taliyeyaashii ciidamada dalkaas oo uu ku jiro taliyihii guud ee ciidamadu. Go'aankan ayaa ku soo beegmay iyada oo dagaalka ay Yemen ka wadaan huwanta Sucuudigu hogaaminayaa galay dabayaaqada sannadkii saddexaad.

Haddaba is bedelkan milatari ee ka dhacay Sucuudiga waxa laga macnayn karo ayaa Dr Sacad Sheekh Cismaan Nuur oo ka faalooda siyaasadda dunida si gaar ahna u lafa gura ta dunida Carabtu waxa uu uga waramay weriyaha BBC-da Axmednagaashe.