Hogaamiyihii Catalonia oo Madrid ugu baaqay wadahal

Carles Puigdemont Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Carles Puigdemont

Maalin kaddib markii laga sii daayay xabsi ku yaalla Jarmalka, hoggaamiyihii hore ee Catalonia Carles Puigdemont, ayaa ugu baaqay Spain inay bilowdo wada hadal ku aaddan xal siyaasadeed oo loo helo xasaradda ka taagan Catalonia.

Wuxuu xukuumadda Madrid ugu baaqay inay xushmeyso dimuqraadiyadda ayna u oggolaato ninka xabsiga ku jira ee Jordi Sanchez inuu madax ka noqdo maamulka Catalonia.

Puigdemont ayaa sheegay inay tani horseedi karo waa cusub oo wadaxaajood ah.

Wuxuu sidoo kale beeniyay inuu isaga soo abaabulay in lagu xiro Jarmalka bishii hore, isagoo sheegay inay tahay arrin nacasnimo ah.

Waxaa lagu wadaa inuu sii joogo Berlin inta maxkamaddaasi Jarmalka ku taalla ay ka go`aansaneyso haddii lagu celinayo Spain.

Maxkamad ku taalla Jarmalka ayaa Carles Puigdemont damaanad ku sii daysay, waxaanay xukuntay in aan dib loogu celin Spain oo lagaga oogay dacwad fallaagonimo ah.

Laakiin maxkamadaas oo ku taal magaalada woqooyiga ee Schleswig waxay sheegtay in ay ka fiirsan doonto oo ay go'aan ka gaadhi doonto in dib loogu celiyo Spain hadii lagu soo oogayo dacwado musuqmaasuq oo keli ah.

  1. Xukuumada Madrid oo ku gacansayray madaxbanaanida Catalonia
  2. Reer Catalonia oo u dareeray doorasho horleh
  3. Hogaamiyihii Catalonia wali kama tanaasulin mowqifkii madaxbanaanida

Mr Puigdemont waxa uu musaafuris ahaan ugu noolaa dalka Belgium tan iyo intii baarlamaanka Catalonia ay ku dhawaaqeen in Catalonia ay ka madaxbanaan tahay Spain inteeda kale.

Waxa dowladda Spain ay ku eedeeysay in lacagaha dadwaynaha uu si xun u isticmaalay isaga oo qabtay afti sanaddii aanu soo dhaafnay.

Waxa uu booqasho ku joogay dalka Finland xilli mar labaad la soo saaray warqadda lagu soo xirayo.

Waxa uu si dhuumaaleysi ah uga soo baxay Filand ka hor inta aysan xukuumadda Filand xirin , balse waxaa lagu qabtay Jarmalka halkaasi oo lagu xiray.

Mowduucyada la xiriira