Sacuudiga: dad magac ku dhex leh bulshada oo la maxkamadeynayo

Image caption Hoteelka Ritz Carlton

Wararka ka imanaya Sacuudi Carabiya ayaa sheegaya in ay weli ku socdaan baaritaano tobanaan saraakiil sar sare ah kuwaasi oo weli xiran

Xeer ilaaliye ku xigeenka guud ayaa jeraa'id uu sacuudiga leeyahay oo lagu magacaabo Al Sharq al Awsat u sheegay in kiisaska qaar loo gudbin doono maxkamadaha.

Inta hadda la ogyahay waxaa weli xabsiga ku haray 56 qof oo ay ka mid yihiin saraakiil sarsare iyo ganacsato waaweyn kuwaasi oo la xiray bishii Novembar ee aanu soo dhaafnay.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale sheegay in qaarka weli xiran ay diideen in ay ogolaadaan heshiiska kuwa kale lagu sii daayay.

Raggani ayaa Waxa ay ka mid ah ahaayeen in ka badan 200 oo amiir, bilyaneerro iyo saraakiil lagu hayay hoteelka Ritz Carlton ee magaalada Riyaad.

Mowduucyada la xiriira