Brazil: Madaxweynihii hore oo booliska isku dhiibaya

Lula da Silva Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Lula da Silva

Madaxweynihii hore ee Brazil, Luis lula da Silva, ayaa sheegay in uu isku dhiibi doono booliska ka dib xukuntii maxkamaddu ku riday ee ahaa in uu galo xabsi 12 sanadood ah maadaama lagu helay dacwad musuqmaasuq ah.

Laakiin waxa uu ku adkaystay in aanu wax dambi ah gelin, waxaanu sidaa yidhi isagoo hadal u jeedinaya taageerayaashiisa oo iskugu soo baxay meel u dhaw magaalada Sao Paulo, halkaas oo uu joogay tan iyo intii uu taagnaa is mari waagu.

Laba goor oo uu isku dayey in uu dalbado in la hakiyo xadhigiisa ayuu labadaba ku guul darraystay.

Lula waxa uu ahaa ninka ugu cadcad ee ku guulaysan kara doorashada madaxtinimada ee bisha Oktoobar dhici doonta, laakiin xadhigaa lagu xukumay ayaa caqabad weyn ku noqon doona tartanka uu doonayo inuu galo.

Mowduucyada la xiriira