"Naciima madax bannaanida Somalilad ayay wax u dhintay"
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

"Naciimo madaxbannaanida Somalilad ayay wax u dhintay"

Afhayeenka xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee xukuumadda Iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland ahna xeer ilaaliyaha gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa, Mowliid Cabdi Muuse, oo maanta saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in xariga abwaanad Naciima Axmed Ibraahim loo maray sifo sharci ah.

Maxkamadda Hargeysa ayaa shalay saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Naciima

Mowliid Cabdi Muuse ayaa dhanka kale sheegay in abwaanaddu ay Somaliland ka faafisay warar been abuur ah oo wax u dhimaya buu yiri madax bannaanidayada.

Haddaba weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa wareystay afhayeenka xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee somaliland, Mowliid Cabdi, wuxuuna ugu horeyn weydiiyay wuxuu shirka jaraa'id u qabtay iyo sababta loo xidhay abwaanad Naciima?

Mowduucyada la xiriira