Israa'iil oo beenisay in ay ku lug lahayd dilka Fadi al-Batsh

Fadi al-Batsh Lahaanshaha sawirka AFP

Israel ayaa beenisay eedaymaha la xiriira in hay'deeda sirdoonka ee lagu magacaabo Mossad, ay ka dambaysay dilka nin ingineer falastiini ahaa oo sabtidii lagu dilay magaalo madaxda Malaysia ee Kuala Lumpur.

Wasiirka difaaca Israel, Avigdor Lieberman, ayaa sheegay in ninkaan ingineerka ah uu ahaa khabiir dhanka gantaalaha ah, kooxda Xamaas ayaa goor sii horraysay xaqiijisay in ninkani uu kamid ahaa ururkaas,

Madaxa booliiska Malaysia ayaa sheegay in ay baarayaan sabab keenta dilka.

Barfasoor Falastiini ah xubinna ka ahaa ururka hubaysan ee Xamaas ayaa waxaa lagu dilay rasaas laga soo furay gaari mar uu marayay mid ka mid waddooyinka caasimadda dalka Malaysia ee Kuala Lumpur.

Qoyska 35 jir-kan lagu magacaabo Fadi al-Batsh, ayaa waxa ay sirdoonka Israa'iil ee Mossad ku eedeeyeen inuu ka dambaysay dilka Sabtidii ninkaasi loo gaystay.

Saraakiisha Malaysia ayaa sheegay in dadka laga shakisan yahay inay falkan gaysteen la rumaysan yahay inay xiriir la leeyihiin hay'ad sirdoon oo shisheeye.

Xamaas ayaa waxa ay Israa'iil ku eedaysaa inay horay u khaarijisay khubarada Falastiiniyiinta ee dibadda ku nool, walow hay'adda sirdoonka Israa'iil ee Mossad aysan weligeed xaqiijin howlgallo noocaas oo kale ah.

Kiis dhawaantan ku lug lahaa dilka nin u dhashay waddanka Tuuniisiya ayaa waxaa la rumaysan yahay inuu ahaa khabiir Xamaas ka tirsanaa oo ku takhasusay diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee drone-ka loo yaqaan.

Mowduucyada la xiriira