Qaxootiga cusub oo Rohingya ah oo ku qulqulaya dalka Indonesia

Qaxootiga Rohingya ee ka baxsanaya Myanmar Lahaanshaha sawirka MUNIR UZ ZAMAN/AFP
Image caption Qaxootiga Rohingya ee ka baxsanaya Myanmar

Saraakiisha dalka Indonesia ayaa sheegay in ku dhawaad 80 qof oo qaxootiga qowmiyada Rohinja ah ee kasoo jeeda dalka Myanmar ay haatan doomo kus gaareen gobolka Sumatra ee waqooyi galbeed dalkaasi.

Qaxootigan ayaa qeyb ka ah dadka tirada badan ee ilaa iyo haatan sanadkaan kusoo gaaraya safaro dhaadheer oo qatar ah dalka Indonesia, maadaama ay wali socoto qulqulka qaxootiga Rohinja ee naftooda kala soo carararya Myanmar.

Dadkaan qaxootiga ah oo ay ka mid yihiin sideed caruur ah ayaa rag kaluumeysato ah waxa ay ku caawiyeen inay kusoo galaan doomo dalka Indonesia.

Lixdii sano ee lasoo dhaafay, tobanaan kun oo qaxooti qowmiyada Rohinja ah ayaa kasoo baxsanayay tacadiyada loogu geysto gudaha dalka Myanmar iyaga oo doomo liita kusoo gaarayay dalkaasi.

Dalka Indonesia oo dadkiisu ay inta badan yihiin muslimiin ayaa marwalba qaabila qaxootiga Rohinja, inkasta oo qaxootigaasi lagu qasbo inta badan inay ku noolaadaan xerooyinka qaxootiga loogu talagalay iyo xarumo lagu haayo.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Xero qaxooti oo ku taalla Bangladesh

Dhanka kale, dolwadda Myanmar ayaa horey u sheegtay in ay dalkeeda dib ugu celisay qoysaskii ugu horreeyay ee ka tirsan Muslimiinta qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Rohingya, kuwaasi oo saandkii hore u qaxay dalka Bangladesh.

Myanmar waxa ay sheegtay in shan qoys oo ka tirsan qiyaastii 700,000 ee qof ee sanadkii hore ka qaxay dalkaasi ay hadda dalka ku soo laabteen, iyadoo la geeyay xero ku taalla gobolka Rakhine.

Kaddib bilo ay wadahadal dhex marayeen waddamada Bangladesh iyo Myanmar ayaa waxa ay markii dambe ku heshiiyeen in muddo laba sano gudahood ah lagu soo afjaro dib u celinta qaxootiga Rohingya.

Balse Qaramada Midoobey ayaa ka digtay dhibaatada soo wajihi karta dadkani la doonayo in Myanmar dib loogu celiyo maadaama xukuumadda Myanmar aysan diyaar u ahayn dadkaasi.

Dadyowga Muslimiinta Rohinja ayaa ka khaxay dalka Myanmar kaddib markii milatariga Burma uu billaabay hawlgal Qaramada Midoobey ay ku tilmaantay isir sifeyn ka dhan ah qpwmiyaddan Rohingya.

Dowladda Myanmar ayaa beenisay eedeymahaasi waxa ayna hawlgalkaasi ku tilmaantay mid sharciga waafaqsan oo lagula tacaalayo kacdoon ka jira gobolka Rakhine.