Kuuriyada Waqooyi oo hakineysa tijaabooyinka gantaallada iyo nukliyeerka

. Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Kuuriyada Koonfureed oo si dhaqsi ah u hakineyso tijaabaada nukleyrka

Dowladda Kuuriyada waqooyi ayaa ku dhawaaqday inay si dhaqsi ah u hakineyso tijaabaada nukleyrka iyo mida gantaalada, sidoo kalena ay albaabada isugu dhufaneyso xarunta tijaabada ee Nukleyrka.

Hogaamiyaha dalkaasi, Kim Jong-Un ayaa waxaa kale oo uu xusay in aysan muhiim aheyn tijaabo kale oo dheeraad ah.

Hadalka hogaamiyaha dalkaasi ayaa yimid iyadoo Kim Jong-Un lagu wado inuu la kulmo madaxweynayaasha dalalka Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo gabadha markasta shaacisa tijaabada gantaalada Kuuriyada Waqooyi

Afhayeen u hadlay madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa tallaabadani ay qaaday xukuumadda Pyongyang ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday, loogana dan leeyahay baabi'inta hubka Nukleyrka ee gacanka Kuuriya.

Xukuumadda Seoul ayaa waxaa kale oo ay sheegtay in arrintani ay jawi wanaaagsan u horseedi doonto wadahadalada labada dal dhexmari doona, hasayeeshe dowladda Japan ayaa sheegtay in iyadoo tani ay jirto, hadana cadaadiska marnaba aanan laga dabcinin dalkaasi.

Sidoo kale madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa soo dhaweeyay tallaabadan ay qaaday xukuumadda Pyongyang.

Tijaaboyin dhanka gantaalada oo ay sameesay xukuumadda dalkaasi ayaa horseeday in cunaqabteyn caalami ah la saaro dalkaasi, waxaana sidoo kale ay xiisad ka dhex dhalatay dalalka Kuuriyada Waqooyi iyo Mareykanka.

Warbaahinta dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale kusoo warantay in hakinta barnaamijkeeda nukleyrka looga golleeyahay kobcinta dhaqaalaha ee dalkaasi iyo baabi'inta barnaamijka Nikleyrka.

Mowduucyada la xiriira