Taxanihii malaariyada iyo dhibaatada ay u gaysato bulshada Soomaalida
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Taxanihii malaariyada iyo dhibaatada ay u gaysato bulshada Soomaalida

Markanna taxanihii aannu ku eegaynay malaariyada iyo dhibaatada ay u gaysato bulshada Soomaaliyeed, maantana waxaannu eegaynaa sida uu cudurkan u saameeyay dadka reer guuraaga ah ee ku nool dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Weriyaha BBC-da halkaas uga soo warrama ayaa haddaba duleedka magaalada Jigjiga waxa uu ku booqday reer xoolo dhaqato ah oo siyaabo kala duwan u isticmalaya maro kaneecada loogu talagalay in cudurka looga gaashaanto.

Gabar ka mid ah qoyskaas ayaa intay qeyb ka jaratay maro kaneecada misana waxa ay ku xiratay madaxa, tolow maxaa arrintaas ku dhaliyay?

Aan idinku wareejiyo Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam iyo warbixintii uu halkaas inooga soo diray.

Mowduucyada la xiriira