Tanzania oo xabsiga dhigtay dad qabanqaabinayay dibadbaxyo

Madaxweyne Magufuli xilka wuxuu qabtay sannadkii 2015 Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Madaxweyne Magufuli xilka wuxuu qabtay sannadkii 2015

Ciidammada booliska Tanzania ayaa toddobo qof ku xiray magaalada Arusha ee dalkaasi kaddib markii lagu eedeeyay inay qorshaynayeen dibadbaxyo looga soo horjeedo xukuumadda.

Ku Xigeenka taliyaha booliska ee magaalada Yusuff Ilembo ayaa u sheegay wariyeyaasha ''in dowladda aysan aqbali doonin bannaanbaxyo sharci darro ah oo ay abaabulayaan dad faro ku tiris ah si ay dalka xasillooni darro ugu abuuraan;'

Dadka abaabulaayo dibadbaxa ayaa ku eedeeyay madaxweyne John Magufuli inuu yahay kaligii talis islamarkaasana dawladdiisa ay caburinayso dadka dhaleeceeyo iyo inuu meel marinaayo sharciyo xannibayo xoriyatul qowlka.

Xiritaanka dadkani ayaa imaanaya xilli xukuumadda UK ay digniino safar u jeedisay muwaadhiniinteeda ku sugan dalkaasi oo aysan tagin goobaha dadka ay isugu soo uruuraan.

Dalka Tanzania waxaa lagu waday in maalinka berito ah ay ka dhacaan dibadbaxyo ka dhan dowladda oo ay qabanqaabada garwadayn ka tahay haweeney Internetka wax ku qorto oo la yiraahdo Mange Kimambi.

Mowduucyada la xiriira