Xoghayaha arrimaha dibadda UK oo sheegay inaysan ka bixin heshiiska nukliyerka

. Lahaanshaha sawirka HOC

Dawladda Britain ma damcasana inay ka baxdo heshiiska nukliyerka ee Iran inkasto uu Mareykanku ka baxay heshiiska, sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain Boris Johnson.

Boris ayaa u sheegay xildhibaanada xukuumadda UK inay ilaalin doonto heshiiska ay gaareen quwadaha caalamka ee ku saabsanaa barnaamijkii nukliyerka Iran.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Talaadadii shaaca ka qaaday inuu dalkiisa uu ka baxayo heshiiska islamarkaasna ku tilmaamay in khaladaad ay ku jireen.

Xisbiga shaqaalaha ee Ingiriiska ayaa ku eedeeyay madaxweyne Trump inuu yahay qof aan taxaddar iyo dareen lahayn oo weliba ku dhiirogelinayo cunaqabatayn dublimaasiyadeed.

Putin oo soo bandhigay nukliyer "il-maqabato ah"

Dowladda Iraan oo u digtay Mareykanka

Iran : Netanyahu waa beenaale

Iran waxay sheegtay inay sii ambaqaadi doonto heshiiska Iran kaaso ay saxiixeen Shiinaha ,Ruushka iyo Midowga Yurub.

Bayaan ay si wadajir ah usoo saareen Midowga Yurub, Ra'iisul wasaaraha Ingiriiska Theresa May ayaa wax laga qoomamoodo ku tilmaantay go'aanka uu madaxweyne Trum kaga baxay heshiiakii Iran quwadaha waawayn ay la galeen sanadkii 2015-kii.

Faransiiska iyo Jarmalka oo kamid ahaa dalalkii saxiixay heshiiska waxay sheegeen inuu muhiim u yahay ammaanka gobolka.

Bayaanka ayaa sido kale lagu sheegay " waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay u hoggaansamaan heshiiska taasina ay tahay mas'uuliyadda.

Mowduucyada la xiriira