Dad lagu laayay weerar ka dhacay magaalada Jalalabad ee dalka Afqaanistaan

qaarx

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay weerar ka dhacay magaalada Jalalabad ee dalka Afqaanistaan.

Weerarkan ayaa ku billowday qarax waxaana xigay dabley gudaha u gashay dhismo ay dowladda leedahay.

Mid ka mid ah mas'uuliyiinta dowladda ee magaaladaasi ayaa BBC-da u sheegay in 20 qof oo kale ay weerarkaasi ku dhaawacmeen.

Qof isa soo miidaamiyay ayaa lagu soo warramayaa in uu isku qarxiyay albaabka laga soo galo dhismahaasi, waxaana xigay rag hubeysan oo gudaha u galay dhismaha.

Dagaal ba'an ayaa waxa uu hadda gudaha dhismahaasi ku dhex marayaa ciidamada ammaanka iyo dableydii weerarka soo qaaday.

Weerarkan ayaa imaanaya laba bilood kaddib markii qarax lala beegsaday macbad ku yaal meel u dhaw magaalada Kaabuul ay ku dhinteen 29 qof.

Weerarkaasi oo ahaa ismiidaamin ayaa lala beegsaday dad isugu yimid Macbadka si ay xusaan sannadka cusub ee Nayruuska.

Kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxaas.