Waa sidee xaaladaha nolosha dadka reer Qaza?

.
Image caption .

Qaza waxay hoy u tahay 1.9 milyan oo qof,dheerarka dhulkana waa 41 kilomitar, waxaana ku hareeraysan badda Mideterranean-ka, waxayna xad la wadaagta Masar iyo Israa'iil.

Horraan Qaza waxay ahayd dhul ka tirsan Masar, Israa'iil ayaa sanadkii 1967-diiqabsatay marinka Qaza xilliggaasi uu socday dagaalkii bariga dhexe.

Intii u dhexeeysay sanadihii 2007-dii illa 2014-kii kooxda Xamaas ayaa ka arriminaysay marinka Qaza, doorashadii baarlamaanka ee ka dhacday maamulka Falastiiniyiinta sanadkii 2006-dii ayay ku guulaysateen halkaaso ay xiisad ku dhexmartay garabka kale ee Fatax.

Markii ay tallada la wareegeen Ururka Xamaas, Israa'iil waxay go'doomiisay Marinka Qaza taaso saamayn ku yeelatay isu socodka dadka iyo badeecadaha gobolka. Masar waxay xirtay xadka ay la wadaagto marinka Qaza.

Isu socodka dadka

Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY
Image caption illa wakhtigii ay maamulka qabsadeen ururka Xamaas sanadkii 2007-diii, Masar waxay xirtay xadka Qaza ay la wadaagto

Waxaa la xayiray isu socodka dadka marinka Qaza, Masar ayaa xeer cusub kusoo rogtay deegaanka Rafax islamarkaasna billaawday howlgal ay ku baacsanaysa dadka sida sharci darrada badeecadaha soo marinayo godadka hoosee ee xadka Qaza iyo Masar.

Masar ayaa bishii Okotoobar ee sanadkii 2014-kii xirtay xadka marka laga reebo xaalado gaar ah oo loo ogolyahay, sida uu sheegay xafiiska Qaramada Midooba ee la socodka arrimmaha gargaarka.

Xadka Rafax ayaa 17 maalmood oo kaliya ah la furay sanadkii tagey halkaaso ay iska diiwan geliyeen 23,000 qof oo doonaya inay xadka ka tallaabaan.

Dibadbaxyo ballaaran oo maanta lagu wado in ay Qaza ka dhacaan

Israa'iil oo duqayn ka fulisay Qaza

Dhaqaalaha

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Qodadka laga qoday dhulka hoostiisa ee dhanka xadka Masar ayay badeecadaha soo marsadaan

Dadka ku nool Qaza waa sabool marka loo barbardhigo sagaashamaadkii, dhaqaalaha Qaza ayaa boqolkiiba 0.5 kobcay sanadkii 2017-kii sida ku xusan warbixin uu soo saaray bangiga adduunka.

Bangiga adduunka ayaa intaasi u daray in shaqo la'aanti ugu baahnayd ay ka jirto halkaasi boqolkiiba 44 ay heerka shaqo la'aanta ay gaartay.

Boqolkiiba 60 dhalinyarada Qaza shaqo ma haystaan.

Sahankii ugu dambeeyay ee la sameeyay ayaa muujinaya in heerka macluusha Qaza ay gaartay boqolkiiba 39.

Wuxuuna bangiga adduunka sheegay in macluusha ay kasii dari karto waa haddii aan gargaar lala gaarin shacabka aaggaasi.

Waxbarashada

Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY
Image caption Carruur badan oo reer Qaza waxay waxbarasho u aadan Iskuul ay gacanta ku haysa Qaramada Midoobay

Iskuulada ku yaalla Qaza way yar yihiin, Boqolkiiba 94 Iskuulada Qaza waxay shaqeeyaan laba gellin

Qaramada Midoobay ayaa maamusha 250 iskuul oo ku yaalla Qaza kuwaaso daboolay boqolkiiba 97 baahida waxbarashada.

Sanadkii 2014-kii 547 Iskuul ayaa ku burburay dagaalada Qaza, illa hadda inta badan dib looma dhisin.

Sahan ay sameeysay UN ayaa lagu sheegay in sanadkii 2015-kii ay ardeyda Qaza ay gaarayeen 630,000 sanadka 2030 waxaa lagu wada in tirada ardeyda ay gaaraan 1.2 milyan, waxayna ka dhigantahay in marinka Qaza uu baahan yahay in ka badan 900 Iskuul .

Bulshada

Qaza waxay ka mid tahay meelaha ugu dadka badan dunida, 1 kiilomitar waxaa ku nool 5,479 waxaana la filaya inay sare u kacdo tiradaasi.

Waxaa la filayaa in sanadka 2030 dadka ku nool Qaza ay tiradoodu gaarto 3.1 milyan.

Image caption .

Qaza waxaaa burburiyay dagaalkii sanadkii 2014-kii ee u dhexeeyay Falastiin iyo Israa'iil, waxaana la rumaysan yahay in 29,000 qof ay guryahooda ka barakaceen.

Qaza waxay kamid tahay goobaha ugu badan ay dalinyarada ku nool yihiin adduunka boqolkiiba 40 dhalinta halkaasi waxay ka hooseeyaan da'da 15 sana.

Image caption .

Caafimaadka

Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY
Image caption Koronto la'aan ayaa saamaysay magaalada Qaza.

Adeegyada caafimaadka Qaza waa kuwa liita taaso xaaladda ay sii xumaatay kaddib markii la xiray xadka Rafax.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in wixii ka horreeyay sanadkii 2014-kii in 4000 qof bil kasta ay adeeg caafimaad u raadsan jireen dhanka Masar.

Daawada iyo tasiilaadka caafimaadka ayaa noqday gabaabsi kaddib markii la go'doomiyay marinka Qaza.

Qaramada Midoobay ayaa gacanta ku haysaa illa 22 isbitaal, xarumaha caafimaadka waxaa burburiyay dagaallada.

Xarumaha caafimaadka ee ku yaalla Qaza ayaa hoos u dhacay 56 illa 49 illa sanadkii 2000 iyadoona kusoo beegantay xilli tirada bulshada ay sare u kacday.

Cunnada

Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY
Image caption Kalluumaysiga Qaza

In ka badan milyan qof oo ku dhaqan marinka Qaza ayaa soo wajahaya cunno gabaabsi inkastoo qaarkood ay helayaan gargaar, sida ya sheegtay Qaramada Midoobay.

Go'doominta Israa'iil ee marinka Qaza ayaa saamayn ku reebay beeraha iyo kalluumaysiga.

Wax soo saarka beeraha ayaa hoos u dhacay boqolkiiba 11 sanadkii 1994 taasoo boqolkiiba 5 ka yar wax soo saarka sanadkan 2018-ka.

Korontada

Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY
Image caption Mugdi iyo karonto la'aan ayaa maalinkii ka jira Qaza

Korontada la'aanta waa arrin maalin kasta caadi ka ah marinka Qaza, inta u dhexeeysa 3 saacadood illa 6 saac ayay koronto helaan reer Qaza maalin kasta.

Inta badan waxay korontada Qaza ka heshaa Israa'iil iyo koronto yar ay ka hesho Masar.

Laakiinse koronto aan sidaa u badnayn ayaa shakhsiyaad gaar ah ay ka ganacsadaan taas oo ah mid qaali ah.

Qarmada Midoobay waxay sheegtay inay jiraan deeganno ka tirsan oo shidaal leh taaso koronto ku filan siin karto Qaza waa haddii laga shaqeeyo.

Baaritaan lagu hayo Fiidiyowga 'Askar tooganaysa qof Falastiini ah'

Biyaha iyo fayo-dhowrka

Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY
Image caption Bulaacadaha ayaa saamayn ku reebay Qaza gaar ahaan xilliga roobabka

Qaza kama da'aan roobab badan, mana jiraan biyo badan oo dabooli kara baahida dadka.

Boqolkiiba 97 dadka ku nool Qaza waxay isticmaalaaan biyaha booyadaha, Biyaha laga hello duumaha waa kuwa aan joogto ahayn oo aan laisku halayn Karin.

Bulaadacaha wasakhda qaada ayaa dhibaata ku haysa Qaza, boqolkiiba 78 bulaacadaha wasakhda waa kuwo rafaadsan.

Waxaa laga cabsi qabaa in bulaacadahani ay ku daadaan waddooyinka Qaza taaso dhibaata caafimaad ku reebi karta shacabka ku nool magaaladaasi.

Mowduucyada la xiriira