Ragga magaalada Godey oo laga khafiifiyay kharaska dumarka ay guursanayaan
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ragga magaalada Godey oo laga khafiifiyay kharaska dumarka ay guursanayaan

Bulshada ku dhaqan magaalada Godey ee ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya ayaa ku heshiiyay inay hoos u dhigaan kharashka ku baxa guurka.

Goa'ankan ayey dadka deegaankaasi sheegeen inay uga gol leeyihiin sidii dhalinyarada loogu fududeyn lahaa guurka xilli sanadihii ugu dambeeyay uu soo badanayay kharashka ku baxa aroosyada.

Haddaba weriyaha BBC-da ee Jigjiga Cabdinaasir Sheekh Xikam oo safar shaqo ku tegay magaalada Godey ayaa la kulmay qaar ka mid ah dadka magaaladaasi kaddibna warbixintan inooga soo diray.