Blank Blank
BBC Online Network Contact Us | Help | Text Only
Soomaliga
Blank
Laanta Soomaliga
Blank
Barnaamijyada
Blank
Mawjadaha
Blank
Waxbarashada
Blank
Baro
Ingiriiska
Blank
Taarikhda
Blank
Nagala Soo Xiriir
Blank
Index
Blank
Educational Programmes
Blank
Tuning In
Blank
History
Blank
Contact Us
Blank
Programme Information
Blank
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
bbc worldservice
learning english
Blank
Banner
Blank
Dagaalkii Muqdisho
Xasan Barise

Muqdisho
Muqdisho

Shirqool aan ka badbaaday - Caydiid

Magaalada Muqdisho waxaa Jimcihii iyo Sabtidii May 11-keedii iyo 12-keedii, ka dhacay dagaal kulul oo ay ku dhinteen dad ka badan 40 ruux, ayadoo dhaawacuna uu 100 kor u dhaafay. Dagaalkaas waxaa loo adeegsaday hub fudud iyo mid culusba. Waxaa si aad ah la isugu duqeeyey hubka loo yaqaan hoobiye iyo zuu.

Waxaa wararku sheegayaan in dagaalkan ay isaga horyimaadeen Xuseen Caydiid iyo ganacsato taageersan dowladda ku meel gaarka ah. Xuseen Maxamed Caydiid waxaa uu isagu ku tilmaamay in ganacsatadaas uu hormuud u yahay Maxamed Deylaaf, oo ah ganacsade reer Muqdisho ah.

Rasaasta hoobiyaha iyo noocyada kale ee hubka ee dagaalka la isu adeegsaday, ayaa iyagoo habow ah dad badan ku laayay goobo ka mid ah magaalada Muqdisho oo aanuu dagaalku gaarin. Halkaaa waxaa ku dhintay dad rayid ah oo aan dagaalka wax lug ah ku lahayn. Waxaa kale oo ay madaafiicdu burbiryeen guryo iyo dhismayaal kale. Dhawaaqa rasaastana waxaa laga maqlayay meel kasta oo ka mid ah magaalada.

Waxaa istaagay gaadiidkii u kala gooshi jiray goobaha u dhow dekedda iyo magaalada inteeda kale. Waxaa dadweynaha magaalada oo dhan ku abuurmay argagax. Ardaydu iskuul ma aadin. Waxaa oodda laga qaaday in ka badan laba boqol oo maxbuus oo ku jiray xabsiga dhexe ee Muqdisho. Waxay ku eedeysnaayeen in ay geysteen dembiyo kal duwan. Sii deynta maxaabbiistaas waxaa maalin ka dib laga dareemay magaalada oo ay ku soo bateen falalka burcadnimadu.

Waxaa la bililiqeystay bakhaar ay dowladdu lahayd oo uu ku kaydsanaa labbiska ciidammadda.

Wareysiga Xuseen Caydiid

Xuseen Caydiid

Xuseen Caydiid, oo BBC-da u warramayay ayaa waxaa uu sheegay in ujeeddada dagaalku ay ahayd in isaga la dilo. Waxaa uu ku tilmaamay in ay dekedda ku martiqaadeen mas'uuliyiin ka tirsanaa ururka USC. Hase yeeshee 15 daqiiqo ka dib markii uu shirku u furmay ay dhinac walba weerar uga soo qaadeen malliishiya u daacad ah Maxamed Deylaaf iyo rag kale oo ganacsata ah.

Si kastaba ha ahaatee waxaa goobtaas ku geeriyooday Faarax Gubadleey iyo Cali Baashi oo labaduba ahaa saraakiil sare.

Xuseen Caydiid isagu waxaa uu BBC-da u sheegay in ilaaladiisa laga dilay ugu yaraan 10 ruux, ayadoo ilaa boqolna laga dhaawacay. Waxaa kale oo uu sheegtay in teknikadiisii dagaalka gashay barkeed ay noqdeen wax la gubay iyo wax uu dhaawac soo gaaray.

Xuseen Caydiid waxaa uu ku tilmaamay in dekedda gudaheeda uu ku xayirnaa 13 saacadood. Markii dambena uu ku guuleystay in ciidankiisu uu aagga oo dhan qabsado. Xuseen Caydiid waxaa kale oo uu sheegay in aanuu damacsanayn in uu qaado dagaal aargoosi ah, uuna aamminsan yahay in wadahadal wax walba lagu xalliyo.

Ugu dambeyntii, dagaalkaasi marka laga reebo dadka fara badan ee ku dhintay ama ku dhaawacmay, ma jirto wax uu ka beddelay siyaasadda. Ma jirto cid mowqifkeedii hore ku beddeshay iyo aag la kala qabsaday toona.

 
Blank
Blank
Network Africa

Focus on Africa
Bogag aan BBC ahayn

 Hiiraan
 Dahabshiil
 Hornafrik
 Stn-tv
 Radio Hargeisa 
BBC masuul kama aha bogagga kale ee Internetka
Blank
Nagala soo Xiriir
Blank
Email: somali@bbc.co.uk
Blank

Qoraalka Noogu soo Dir:
BBC Somali Service,
Room 116 CB,
Bush House, Strand, London, WC2B 4PH

Tel: + 44 (0) 20 7557 1631
Fax:
+ 44 (0) 20 7497 1374
Blank
blank
blank^^ Back to top
blank
Laanta Soomaliga
Laanta Soomaliga | Barnaamijyada | Mawjadaha | Waxbarashada | Baro
Ingiriiska
| Taarikhda | Nagala Soo Xiriir |
blank
© BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.