Bandhiga buugaagta Muqdisho oo furmay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Bandhiga buugaagta Muqdisho oo furmay sanadkii labaad

Magaalada Muqdisho waxa maanta ka furmay bandhiga caalmiga ah ee buugaagta, waana sanadkii labaad ee la qabanayo bandhigaasi tan iyo markii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya 1991 kii.

Sanadkan waxaa la filayaa in qorayaal badan ay ku soo bandhigaan buugaag cusub, waxana kamid ah qoraaga Andrew Harding oo mudo dheer weriye BBC-da uga ahaa Afrika oo la filayo inuu soo bandhigo buugiisa cusub ee "The Mayor of Mogadishu" ama "Duqa Muqdisho."

Sidoo kale doodo, iyo aqoon isweydaarsiiyo, iyo tababaro ku saabsan dhaqanka iyo suugaanta ayaa lagu soo bandhigi doonaa mudada seddexda maalin ah ee ay socoto carwadaasi.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan, oo ka qaybgalay furitaanka carwadaasi ayaa warbixintan ka soo diray.

Mowduucyada la xiriira