Waraysi: Roda oo naqshadaysa dharka haweenka muslimka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi: Roda Abdi oo naqshadaysa dharka haweenka Muslimka

Roda Abdi oo ah gabar Soomaaliyeed oo degan magaalada Nottingham ee dalka Ingiriiska, ayaa dhawaan naqshad cusub oo dharka haweenka Muslimiintu isku asturaan soo saartay, kuwaasi oo suuqyada lagu iibsanayo.

Roda oo ah gabar da' yar waxay naqshada dharkeeda ku saleysay in ay yihiin si haweenka Muslimiintu u helaan dhar asturan oo aan bulshada ka soocayn. Sidoo kale dharkeeda ayaan ku ekayn xirashadiisa haweenka Musliminta oo waxaa kale oo uu soo jiitay haween haysta dhaqamo iyo diimo kale.

Roda Abdi ayaa Mowliid Xaaji Cabdi oo BBC ka tirsan, waxay uga warantay dharka ay naqshadaysay ee ay ugu magac dartay xijaabka casriga ah.