Askariyad caan ah oo Kurdi ah ayaa ku dhimatay dagaalka IS

Asia Ramazan Antar Lahaanshaha sawirka @albertohrojas
Image caption Asia Ramazan Antar ayaa dhimatay iyadoo la dagaalamaysa IS

Sida ay qoreen warfaafinta reer Galbeedka waxay ahayd gabar qurux badan, oo aad looga helay quruxdeeda iyo xirfadeeda milatari.

Laakiin askarta ay ka mid ahayd Asia Ramazan Antar ayaa sida looga hadlay warbaahinta iyo baraha bulshada noqotay mid ay la yaabaan oo ay ka xumaadaan.

Asia Ramazan Antar oo 19 jir ah oo ka timid magaalada Suuriya ee Kurdiyiinta ee Qamishli, ayaa waxaa dilay kooxda mintidiinta ee IS ee waqooyiga Suuriya bishii hore.

Iyagoo xooga saaraya warka ku saabsan quruxdeeda, qaar ka mid ah warbaahinta reer Galbeedka ayaa sheegay in loo yaqaanay "Angelina Jolie ee Kurdistan" oo lala matalay jilaa caan ah ee Hollywood ee Angelina Jolie.

Kurdish Women's Protection Units (YPJ), oo Ramazan ay ka mid ahayd, ayaa sheegay in falsafadooda ay tahay wax fudud iyo dulqaad.

Qofna laguma qiimeeyo sida uu u egyahay iyo cabirkiisa. Qof walba ayay sheegeen inuu dulqaad wayn u sameeyo dadka oo dhan.

Sanadkii hore inkastoo kooxo diimeed ay ka soo horjeesteen, ciidamada dumarka Kurdiyiinta ayaa u ololeeyay in Kurdiyiinta Suuriya ay aqbalaan sharci la samaynayo oo danbi ka dhigaya xadgudubka xooga la isticmaalo ee dumarka, guurka qasabka ah iyo dumarka badan ee la guursado.

Si loo hirgaliyo sharciga ayaa la sameeyay qayb boliis oo dumar ah oo hirgalisa sharciga.

Markii ay dhamaysay tababarkii milatari, Asia ayaa ku biirtay qaybta hore ee dagaalka looga soo horjeedo mintidiinta IS.

Asia Ramazan Antar ayaa ka qayb qaadatay shan dagaal, intaan lagu dilin Manbij oo u dhow xuduudda Turkiga 30 August.

Waxay hogaaminaysay koox, waxayna ridi jirtay qoriga darandooriga u dhaca. Labadii sano ee la soo dhaafay, lix ilmo adeeradeeda, ilmo abti iyo adeero ayaa sidoo kale ku dhintay dagaalka IS looga soo horjeedo.

Lahaanshaha sawirka @albertohrojas
Image caption Ciidamada ay qaybta ka ahayd Asia Ramazan Antar ayaa u arkay sida looga hadlay quruxdeeda oo kaliya in wax loo dhimay
Lahaanshaha sawirka YPG
Image caption Asia Ramazan Antar ayaa lala duugay dagaalyahano dumar ah oo aan warbaahinta aysan ka hadlin

Choman Kanaani oo ka mid ah dagaalyahanada ayaa ka xumaaday sida ay uga hadleen Asia Ramazan Antar warbaahinta reer Galbedka.

Wuxuu qaabilsan yahay dib u dhiska Kobane, oo ah magaalo Kurdi oo ay kooxda IS haysatay 2014-2015 intaysan ciidamada Kurdiyiinta aysan ka bixin mintidiinta magaalada.

"Falsafadeena oo dhan ayaa ah inaan la dagaalano in dumarka aan la takoorin oo aan laga dhigin wax la leeyahay oo kale."

"Waxaan rabnaa inaan dumarka siino xaqooda ay bulshada ku leeyihiin iyo inay go'aan ka gaaraan waxa ay doonayaan inay sameeyaan" ayuu sheegay Kanaani.